LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Galgaduud & Tirada dhimashada oo ku dhow 10

Ugu yaraan 7 qof ayaa la soo wariyay inay dhinteen tiro kalana ay ku dhaawacmeen kadib markii uu dagaal dhex maray laba maleeshiyo beeleed uu ka qarxay deegaanka Laanraydab, oo ku dhow Cali Afrax, degmada Galcad gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in iska horimaadka uu ka dhashay khilaaf la xiriira dhul-beereed, kaas oo markii dambe isu beddelay dagaal hubeysan.

Qaar kamid ah dadka ku dhaawacmay dagaalka ayaa la sheegay in loo qaaday xarumo caafimaad oo ku yaalla magaalooyin ka baxsan goobta uu dagaalku ka dhacay. Xaaladda dhaawacyada ayaan weli si rasmi ah loo xaqiijin.

Xiisadda ayaa weli sare u kacaysa, iyadoo wararka deegaanka ay tilmaamayaan in labada dhinac ay bilaabeen abaabul iyo gurmad ay ka raadinayaan deegaannada iyo tuulooyinka ku dhow.

Dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba in haddii aan si degdeg ah loo kala dhexgelin dhinacyada, dagaal kale oo ka ballaaran kii hore uu qarxi karo.

Khilaafaadka ka dhasha dhul-beereedka, daaqa iyo ceelasha biyaha ayaa marar badan sababa isku dhacyo beeleed oo dhiig ku daato bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada ay xiisaduhu sii xoogaystaan.

Banaadir24 Online waxay si dhow ula socotaa xaaladda, waxaana soo gudbin doonnaa wixii xog cusub ah ee laga helo khasaaraha iyo xaaladda deegaanka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *