Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war kasoo saaray dilkii Axmed Shire

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah uga hadlay geerida askari ka tirsanaa Ciidanka XDS, Marxuum D/le Axmed Shire Xuseen, oo lagu dilay deegaanka Calaag.
Taliska ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisa iyo dhammaan bahda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in geeridu ay murugo weyn ku tahay ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed.
War kasoo baxay Taliska XDS ayaa lagu sheegay in baaritaanno ku saabsan dhacdada ay socdaan, si loo xaqiijiyo xaqiiqada waxa dhacay iyo in la ogaado cid kasta oo ku lug leh dhacdada.
Taliska ayaa sidoo kale caddeeyay in la qaadi doono tallaabooyinka ku habboon ee waafaqsan sharciga iyo nidaamka Ciidanka, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nolosha, sharafta iyo xuquuqda askarta Soomaaliyeed.
Axmed Shire Xuseen ayaa ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka, isagoo gudanayay waajib qaran oo uu ugu adeegayay dalkiisa iyo dadkiisa.
Taliska XDS ayaa ugu dambeyn Ilaahay uga baryay Marxuumka inuu naxariistiisa waarta siiyo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, halka qoyskiisa, eheladiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeedna loogu duceeyay samir iyo iimaan.









