Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Baydhabo iyo Inkabadan 10 askari oo…

In ka badan 10 askari ayaa la soo werinayaa in lagu dilay dagaallada ka socda magaalada Baydhabo, sida ay sheegayaan ilo dhinaca ammaanka ah, iyadoo ciidamada iska soo horjeeda ay ku dagaallamayaan gacan-ku-haynta qeybo ka mid ah caasimadda Koonfur Galbeed.
Tirada dhimashada si madax-bannaan looma xaqiijin, mana cadda khasaaraha dhinacyada kala duwan gaaray. Illaa hadda ma jiro tiro rasmi ah oo ay soo saareen dhinacyada dagaallamaya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ciidamadeedu bishii Maarso la wareegeen gacan-ku-haynta Baydhabo, ayaa sheegtay in magaalada ay weerareen kooxo ay ku tilmaantay “argagixiso.” Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in gaari lagu rakibay waxyaabaha qarxa, balse faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan gaariga iyo bartilmaameedkiisa lama shaacin.
Dhanka kale, ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen,” ayaa sheegay inay iyagu qaadeen duullaanka ugu dambeeyay, taas oo si toos ah uga hor imaanaysa sheegashada dowladda federaalka ee ku saabsan cidda weerarka qaaday.
Wararka laga helayo gudaha magaalada ayaa sheegaya in ciidamada Laftagareen-taabacsan ay gaareen xaafadda Mursal, Warshada Hassay, saldhigga Boonkay, bartamaha magaalada iyo waddada Soddonka. Dhawaqa rasaasta ayaa weli laga maqlayaa qeybo ka mid ah magaalada, iyadoo ciidamada dowladda federaalka ay jihooyin kala duwan uga soo dhaqaaqayaan si ay u xakameeyaan dhaq-dhaqaaqa ciidamada kasoo horjeeda.
Xaaladda magaalada ayaa sidoo kale sii adkaatay kaddib markii la sheegay in adeegyada taleefannada iyo internet-ka ay hakad galeen qeybo badan oo Baydhabo ah, taasoo adkeyneysa xaqiijinta wararka goobta dagaalka iyo helitaanka xog rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha shacabka.
Xaaladda Baydhabo ayaa weli kacsan, iyadoo dagaalladu ay ka socdaan qeybo kala duwan oo magaalada ah.









