Dowladda federaalka oo sheegtay inay soo bandhigeyso meydadka Shabaabkii soo weeraray Baydhabo ee la dilay

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Eelaay, ayaa sheegay in saaka magaalada Baydhabo uu weerar ku soo qaaday kooxda Al-Shabaab, xilli ay isku dayday inay gudaha u gasho oo ay la wareegto magaalada.
Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ay si adag isaga caabiyeen weerarka, isla markaana ay fashiliyeen isku dayga kooxda ay ku doonaysay inay ku qabsato Baydhabo.
Xasan Eelaay ayaa ammaanay ciidamada dowladda, isagoo sheegay in dagaalka lagu qabtay gaadiid gaashaaman oo uu tilmaamay in kooxda ay qorsheysay inay u adeegsato weerarka iyo waxyeellada shacabka magaalada.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in saacadaha soo socda la soo bandhigi doono meydadka iyo dhaawacyada dagaalyahannada, iyo sidoo kale gaadiidka gaashaaman ee ciidamada dowladda ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen.
“Geeshkeenow guulaysta,” ayuu yiri Wasiir Xasan Eelaay, isagoo bogaadiyay ciidamada dowladda ee ka qeyb qaatay iska caabinta weerarka.









