Itoobiya oo dagaal qarxa u saaray in Xukuumadda oo hanjabaad culus kasoo yeertay

Waxaa cirka isku shareeray xiisadda siyaasadeed iyo tan militari ee ka aloosan gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, kadib markii ciidamada loo yaqaan TPF, kuwaas oo taageersan madaxweynihii hore ee maamulka KMG ah ee Tigray, Getachew Reda, ay ku dhawaaqeen inay bilaabeen hawlgallo militari oo ka dhan ah ururka TPLF ee hadda maamula gobolka.
Ciidamadan ayaa sheegay in ujeeddadoodu tahay inay talada ka tuuraan hoggaanka hadda ka arrimiya Tigray, gaar ahaan kooxda uu hoggaamiyo Debretsion Gebremichael, oo dhowaan isku magacaabay madaxweynaha cusub ee gobolka Tigray, tallaabadaas oo sii xoojisay khilaafka siyaasadeed ee muddada dheer soo jiitamayay.
Khilaafka u dhexeeya garabka taageersan Getachew Reda iyo kooxda TPLF ayaa muddooyinkii dambe si weyn uga dhex jiray siyaasadda gobolka Tigray, balse hadda wuxuu u muuqdaa mid galay marxalad militari kadib markii labada dhinac ay bilaabeen abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo dagaal.
Wararka kasoo baxaya gobolka ayaa sheegaya in ciidamada TPF ay gudaha u galeen qeybo ka mid ah Tigray, iyagoo kasoo ruqaansaday fariisimo ay muddo sanadihii u dambeeyay ku lahaayeen gobolka Canfar. Taliska ciidamadaasi ayaa sheegay inay doonayaan “soo celinta sharciyadda maamulka” iyo inay meesha ka saaraan waxa ay ku tilmaameen “xukun kelitalisnimo ah” oo ay TPLF ka hirgelisay gobolka.
Dhinaca kale, TPLF ayaa ciidamadaasi ku eedeysay inay hurinayaan dagaal cusub oo khatar ku noqon kara heshiiskii nabadeed ee Pretoria, kaas oo sanadkii 2022 lagu soo afjaray dagaalkii dhiigga badnaa ee u dhexeeyay dowladda federaalka Itoobiya iyo xoogaggii TPLF.
Ciidamada TPF ayaa la sheegay inay taageero ka helayaan Dowladda Federaalka Itoobiya, inkastoo Addis Ababa aysan si rasmi ah uga hadlin eedeymahaasi. Warar siyaasadeed oo isa soo taraya ayaa tilmaamaya in dowladda dhexe ay xiriir dhow la leedahay garabka Getachew Reda, gaar ahaan tan iyo markii uu khilaafku ka dhex qarxay hoggaanka TPLF.
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegaya in xaaladda hadda taagan ay khatar ku tahay xasilloonida guud ee waqooyiga Itoobiya, iyadoo laga cabsi qabo in dagaal kale uu dib uga qarxo Tigray, xilli gobolka uu wali kasoo kabanayo burburkii dagaalkii hore.









