LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidanka DANAB oo nolosha ku qabtay Xubin Al-Shabaab ah & qaraxyo

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), gaar ahaan cutubka Gawaarida Gaashaaman, ayaa howlgal amni oo si heer sare ah loo qorsheeyay ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo dhibaatooyin ku hayay shacabka deegaanka.

Howlgalkaan oo dhacay saacadihii ugu dambeeyay ayaa ciidamada u suurtageliyay inay gacanta ku dhigaan mid kamid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaasi oo watay hub iyo agab loo adeegsado falalka amni darrada ah iyo weerarada ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed.

Sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalka, eedeysanaha ayaa isku dayay inuu iska caabiyo ciidamada islamarkaana uu rasaas ku furo, balse ciidamada Danab ayaa si degdeg ah uga hortagay falkaasi, iyagoo ugu dambeyn ku guuleystay inay nolol ku qabtaan.

Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa sidoo kale howlgalka kasoo saaray hub iyo qalab halis ah oo la tuhunsan yahay in loo adeegsan lahaa weeraro iyo falal qaraxyo ah. Waxyaabaha la qabtay waxaa kamid ah:

Qori nooca AK-47 ah iyo rasaastiisa

Bastoolad uu watay xubinta la qabtay

Qalab kala duwan oo loo adeegsado sameynta walxaha qarxa

Agabyo kale oo ciidan iyo sahay ah

Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Kumaandooska Danab ay ku baacsanayaan kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo lagu xoojinayo amniga guud ee dalka iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgalada noocaan oo kale ah ay sii socon doonaan ilaa laga cirib tiro kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanaya qeybo kamid ah gobollada dalka, gaar ahaan deegaanada miyiga ah ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *