WAR DEG DEG AH: Dagaal ka socda Magaalada Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu ka socdo duleedka waqooyi ee magaalada, kaas oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo taageersan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.
Dagaalka ayaa si gaar ah uga socda deegaanka loo yaqaano Xanaano 2, halkaasi oo la sheegay in ciidamada taabacsan Laftagareen ay weerar ku qaadeen Ciidamada Ammaanka ee ku sugan magaalada Baydhabo.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in la maqlayo rasaas culus iyo hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo xaaladda amni ee magaalada ay aad u kacsan tahay.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed ama Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo sababta rasmiga ah ee keentay iska horimaadka.
Wararkan ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Baydhabo ay ka jiraan xiisado siyaasadeed oo la xiriira doorashadii Golayaasha degaanka iyo Wakiilada ee dhawaan qabsoomay, kuwaas oo natiijadooda la filayo in Maanta lagu dhawaaqo.
Wararka kusoo kordha halkan kala socda









