Dowladda Soomaaliya oo boqolaal askari oo cusub u dirtay Turkiga & hadal-heyn ka dhalatay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa boqolaal askari oo cusub u dirtay gudaha dalka Turkey, kuwaas oo kamid noqon doona Ciidamada Kumaandooska Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliyeed. Dowladda Turkiga ayaa la sheegay inay si buuxda u bixin doonto tababarka, qalabeynta iyo daryeelka ciidamadaasi inta ay ku guda jiraan tababarka.
Askartan cusub ayaa la filayaa inay qaataan tababaro heer sare ah oo la xiriira dagaallada ka dhanka ah kooxaha hubeysan, howlgalada gaarka ah, la dagaallanka argagixisada iyo xirfadaha ciidannimo ee casriga ah. Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoogga saareysay dib u dhiska ciidamada qalabka sida, iyadoo kaashaneysa dalal saaxiib la ah Soomaaliya, gaar ahaan Turkiga oo door weyn ku leh tababarka ciidamada Soomaaliyeed.
Ciidamada Gorgor ayaa kamid ah cutubyada sida gaarka ah loo tababaray ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana hore Turkiga ugu soo tababartay kumanaan askari oo hadda ka howlgala gobollo kala duwan oo dalka ah. Ciidamadan ayaa inta badan hormuud u noqda howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanada ay ka socdaan gulufyada militari.
Dowladda Somalia iyo Turkiga ayaa leh xiriir iskaashi oo dhinacyo badan leh, gaar ahaan arrimaha amniga iyo dhismaha ciidamada. Magaalada Muqdisho waxaa ku taalla xerada weyn ee tababarka Turkiga ee TURKSOM, oo ah saldhigga ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay dibadda, halkaas oo lagu tababaro ciidamada Soomaaliyeed.
Si kastaba, inkastoo kumanaan askari oo Gorgor ah ay hore u heleen tababaro iyo qalabeyn casri ah, haddana weli Dowladda Soomaaliya kuma aysan guuleysan inay guud ahaan dalka ka cirib tirto Al-Shabaab. Kooxda ayaa wali ka dagaallanta gobollo badan oo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ah, iyadoo mararka qaar weerarro ka fulisa magaalooyinka waaweyn iyo fariisimaha ciidamada.









