Madaxweynaha Kenya oo arrin sir ah ka sheegay dagaalkii Raas-kambooni ee lagu jebiyay Ciidanka DFS

Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadlay dagaalkii ka dhacay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, isagoo shaaca ka qaaday in dowladda Kenya ay taageero u fidisay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed intii uu socday dagaalkaasi.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay Telefishinka caalamiga ah ee France 24, ayuu Madaxweyne Ruto ku sheegay in dagaalka uu u dhexeeyay Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Jubbaland ee ku sugnaa xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
Ruto ayaa sheegay in xaaladdu ay gaartay heer ciidamada Dowladda Soomaaliya qaarkood lagu riixay gudaha Kenya, taas oo sida uu sheegay sii adkaysay amniga iyo xaaladda ka jirtay xadka.
“Waxaa jiray dagaal u dhaxeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Jubbaland, kuwaas oo ku sugnaa xadka Kenya. Xaqiiqdii, xilligaas qaar ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xitaa lagu riixay gudaha Kenya, taasoo sii adkaysay xaaladdii horay uga jirtay halkaas,” ayuu yiri Madaxweyne William Ruto.
Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisu ay ku qasbanaatay inay taageerto ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xakameeyo xaaladda loogana hortago in colaadda ay sii fido.
“Waxaan ku qasbanaannay inaan taageerno qaar ka mid ah ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, inaan daadgureyno oo caawinno, si aan u dejinno xaaladda isla markaana loo yareeyo colaadda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha Kenya ayaan weli aysan ka hadlin Madaxda Dowladda Soomaaliya.









