Wafdi ka socda Dowladda Turkiga oo soo gaaray Muqdisho & hal arrin oo taagan

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee dalka Turkey, Alparslan Bayraktar, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo ay uga qeyb galayaan munaasabad muhiim ah oo la xiriirta horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.
Ujeedada safarka wafdigan ayaa ah ka qeyb galka munaasabadda soo dhoweynta markabka qodista shidaalka ee “Çağrı Bey”, kaas oo shalay ku soo xirtay Dekedda Muqdisho. Markabkan ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u bilaabo howlaha sahminta iyo qodista shidaalka ee Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka.
Munaasabadda oo goordhow ka bilaaban doonta dekedda ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, iyo wafdi sare oo ka socda dowladda Turkey.
Dhacdadan ayaa loo arkaa mid taariikhi ah, iyadoo la filayo inay saameyn weyn ku yeelato koboca dhaqaalaha, abuurista fursado shaqo, iyo sare u qaadidda sumcadda Soomaaliya ee dhinaca maalgashiga caalamiga ah.
Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoojineysay iskaashiga ay la leedahay Turkey, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, amniga, iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah. Munaasabaddan cusub ayaa muujineysa tallaabo hor leh oo ku wajahan horumar waara iyo iskaashi istiraatiiji ah oo labada dal ka dhexeeya.









