Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Wararkii ugu dambeeyay: Ciidamada dowladda oo lagu weeraray waddada Leego

    8 November 2026

    Xuutiyiinta Yemen oo Al-Shabaab ku taageeraya Drones iyo hub casri ah & DF oo digniin soo…

    8 November 2026

    Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan

    8 November 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Halis weyn oo la sheegay inay ka dhalan karto Shidaal qodista Soomaaliya
    LATEST NEWS

    Halis weyn oo la sheegay inay ka dhalan karto Shidaal qodista Soomaaliya

    Banaadir24 EditorBy Banaadir24 Editor10 April 2026No Comments5 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee muddo xileedkooda dhammaadka yahay ayaa ka hadlay qorshaha Dowlaha Soomaaliya iyo Turkiga ee Shidaalka looga qodayo degaano ka tirsan Galmudug

    Xildhibaanka oo qoraal dheer soo saaray ayaa sheegay in heshiiska Shidaal qodista uu ahaay mid aan hab sharci loo marin, isla markaana qodista Shidaalka Soomaaliya ay halis weyn ka dhalan karto.

    Hoos Ka Akhriso Qoraalka Xildhibaanka.

    Markabka Çağrı Bey iyo Imtixaanka labada dal

    Imaanshaha Çağrı Bey oo ah markab sameeya qodista bilaw ah ee shidaalka ayaa maanta Muqdisho soo gaaray. Waa dhacdo taariikhi ah oo miisaan culus leh. Somaaliya waxay u tahay bilowga weji cusub ee horumarinta khayraadkeeda badda, halka Turkiga ay u tahay tijaabo muhiim ah oo uu markii kowaad ku dhaqaaqay meel ka baxsan xuduudaha dalkiisa.

    Waa rejo iyo halis isbarkan. Haddii si xikmad leh loo maareeyo, wuxuu dhisi karaa iskaashi waara iyo horumar dhaqaale oo wadajir ah. Haddii se si khaldan loo wajaho wuxuu keeni karaa sinnaan la’aan, sharciyaddarro, khilaaf iyo kalsooni xumo.

    Fursaddu waa in ay Sharciyad ku Dhisan tahay

    Shaki kuma jiro in sahminta khayraadka dabiiciga ahi ay Soomaaliya u tahay guul u soo hoyatay oo qayb ka qaadan karta dibu-kabashada dhaqaalaha, kordhinta dakhliga dawladda iyo abuurista waddooyin horumarineed oo waara.

    Haseyeeshee, fursaddu waa in ay ku dhisnaataa sharciyad waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka oo si cad u qeexaya in heshiisyada khayraadka dabiiciga ahi ay noqdaan kuwo: 1. Hufan, 2. Laga dooday, 3. La isku afgartay, 4. Labada aqal ee Baarlamaankuna ansixiyeen.

    Qodobbadan ma aha habraacyo sahlan, waase dammaanad ilaalinaysa madaxbannaanida dalka, xaqiijinaysa milkiyadda khayraadkiisa, kana hortagaysa khilaaf mustaqbalka yimaadda. Heshiis kasta oo ka baxsan nidaamkan wuxuu wiiqayaa sharciyadda iyo kalsoonida hay’adaha dawladda.

    Dheellitir la’aanta Heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya

    Heshiiska shidaalka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ma aha mid dheellitiran ee waa mid dhinac u raran oo abuuraya walaac xooggan. Sababta oo ah:

    1. Heshiisku wuxuu si weyn u leexinayaa faa’iidada (in ka badan 90%) dhinac keli ah, iyada oo aanu jirin nidaam cad oo canshuureed ama maalgashi bulsho, taas oo khatar gelinaysa in Soomaaliya aanay ka helin faa’iido dhab ah.

    2. Ma jiro wax xaqiijinaya dammaanad shaqo, adeegyo gudaha ah ama kobcin xirfadeed, taas oo keeni karta in dhammaan faa’iidada iyo raasamaalka dhaqaale ay gacanta u galaan shisheeye.

    3. Nidaamka xallinta khilaafaadka oo aan dhexdhexaad ahayn. Maxkamadaha Turkiga ayaa lagu kala baxayaa. Waxa intaas dheer habka heshiisku ku yimid, iyada oo aan la helin hufnaan buuxda, oo aan lagala tashan dawlad-goboleedyada, isla markaana aan la marin labada Aqal ee Baarlamaanka sida sharcigu farayo.

    Arrimahani waxay keenayaan su’aalo culus oo ku saabsan caddaalad iyo waafaqsanaan dastuur. Waxay mugdi gelinayaan mustaqbalka ka faa’iidaysiga khayraadka Soomaaliya. Soomaalidu waxay tiraahdaa: “xalaal maalin cad baa la qashaa.” Waxa muuqata in habraaca loo maray mashruuca shidaal qodista aanu ahayn mid daahfuran. Sidaa darteed halista ka iman karta waa mid la qiyaasi karo.

    Halista ka Dhalan karta Hay’ado Daciif ah

    Walaaca halista waxaa sii xoojinaya xaaladda hay’adaha dalka iyo hoggaankiisa oo ah: hay’ado jilicsan, gasoor aan madaxbannaanayn; hoggaan ku sifaysan musuqmaasuq, eex, qaraabakiil, iyo ku takrifal awood ku dhisan “ninka guulaysta ehelkii, saaxiibbadii, iyo tolkii wax walba leh.”

    Xaaladdan oo kale, heshiis kasta oo aan hufnayn ama aan xaqsoor ku dhisnayni wuxuu noqonayaa il colaad iyo fitno, ma noqonayo il horumar iyo xasillooni.

    Waayo’aragnimada dalal kale ayaa cadayn u ah, in marka khayraadka loo maamulo si xaqsoor la’aan iyo qarsoodi ah in ay keenaan colaado iyo xasilloonidarro siyaasadeed. Waxaana tusaale weyn u ah waddanka Koonfurta Suudaan.

    Farriin Toos ah oo ku Socota Dawladda Turkiga

    Turkigu wuxuu sannadihii la soo dhaafay ka dhisay Soomaaliya sumcad muuqata oo ku dhisan gargaarka bini’aadantinnimo, kaabayaal dhaqaale iyo iskaashi militari iyo mid diblumaasiyadeed. Taasi waxay u keentay kalsooni wayn oo shacabka Soomaaliyeed dhexdeeda ah.

    Kalsoonidaas waa hanti qiimo leh oo u baahan in la ilaaliyo. Laakiin waxa iyadana dhab ah in aan iskaashi waara lagu dhisi karin heshiisyo qarsoodi ah, dhinac ka raran, shakhsiyaad lala galay, halkii ay ka ahaan la haayeen kuwo dheellitiran, daahfuran, habraac sharciyeed loo maray, iyada oo hay’adaha qarankana la ixtiraamayo xeerarka u degsan. Sideeda bannaanba iskaashi kuma dhismi karo iyada oo la baalmaray nidaamkii sharci ee dalka u dhignaa, dayacana la iskaga faa’iidaysanayo.

    Doorashada istiraatiijiga ah ee Turkiga waa:
    1. In uu ula shaqeeyo Soomaaliya si waafaqsan shuruucdeeda
    2. In uu xaqiijiyo in heshiisyadu noqdaan kuwo caddaalad ah oo dan u ah labada dal iyo
    3. In uu iskaashiga ku saleeyo hay’ado, ee aanu ku xirin shakhsiyaad.

    Ku lug lahaanshaha heshiisyo qarsoodi, iyo habraacyo muran dhaliya iyo taageeridda hoggaan aan kalsooni ballaaran haysan, waqtigiisiina dhammaaday, waxay khatar gelin kartaa sumcadda Turkiga, waxayna ka fogaynaysaa shacabka Soomaaliyeed.

    Jidka Saxda ah ee Hore loo Qaadi Karo

    Arrintu ma aha in Soomaaliya aysan la shaqayn Turkiga ama aanay ka kaalmayn horumarinta khayraadkeeda dabiiciga ah. Waa se ka qotodheer tahay. Jidka saxda ahi wuxuu u baahan yahay: in heshiisyadu si buuxda jaanta ula helaan dastuurka dalka, in habraac hufan loo maro, wadatashi la la sameeyo dawlad-goboleedyada, in la xaqiijiyo kaqaybgalka shaqaalaha iyo shirkadaha Soomaaliyeed, iyo in la helo garsoor caalami ah oo garta khilaafka qaada. Turki iskuma noqon karo, qodaha, qaybiyaha iyo garsooraha intaba. Tallaabooyinkaas oo dhami ma aha caqabad waa se asaaska heshiis waara.

    Imaanshaha Çağrı Bey waa fursad weyn, sida oo kalana waa imtixaan iyo tijaabo.

    Soomaaliya waxay u tahay imtixaan ku saabsan awoodda maamul iyo dhismaha hay’adaha dawladeed oo masuuliyad qaadi kara, waajibkana gudan kara. Turkigana waxay u tahay imtixaan ku saabsan daacadnimada iskaashi oo ku dhisan danta labada dal ee aan ahayn ka faaiidaysiga dayaca Soomaalida.

    Iskaashiyada waara laguma dhiso dano degdeg ah, balse waxa lagu dhisaa caddaalad, sharciyad, iyo ixtiraam. Haddii si sax ah loo maareeyo wuxuu xoojin karaa xiriirka labada dal. Haddii kale, wuxuu noqon karaa meel ay ka dhalato kalsooni xumo, shaki iyo khilaaf hor leh.

    Fursaddu way jirtaa, waxaase ka wayn masuuliyadda looga baxsan karo halista ag barkan.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleWafdi ka socda Dowladda Turkiga oo soo gaaray Muqdisho & hal arrin oo taagan
    Next Article Ciidamada Dowladda ee ku sugan Puntland oo digniin u diray Siyaasiyiinta Golaha Mustaqbalka
    Banaadir24 Editor
    • Website

    Related Posts

    Wararkii ugu dambeeyay: Ciidamada dowladda oo lagu weeraray waddada Leego

    8 November 2026

    Xuutiyiinta Yemen oo Al-Shabaab ku taageeraya Drones iyo hub casri ah & DF oo digniin soo…

    8 November 2026

    Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan

    8 November 2026

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Wararkii ugu dambeeyay: Ciidamada dowladda oo lagu weeraray waddada Leego

    By Banaadir248 November 20260

    Muqdisho (Banaadir24) — Warar laga helayo ilo xog-ogaal ah oo ka tirsan Taliska Ciidanka Xoogga…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Xuutiyiinta Yemen oo Al-Shabaab ku taageeraya Drones iyo hub casri ah & DF oo digniin soo…

    8 November 2026

    Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan

    8 November 2026

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Wararkii ugu dambeeyay: Ciidamada dowladda oo lagu weeraray waddada Leego
    • Xuutiyiinta Yemen oo Al-Shabaab ku taageeraya Drones iyo hub casri ah & DF oo digniin soo…
    • Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan
    • Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan
    • Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d