Waan waan laga dhex-waday Xasan Sheekh iyo mucaaradka oo fashilmay

Waxaa fashil ku dhammaaday dadaallo ay wadeen qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo la doonayay in xal loogu helo khilaafka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya ee ka taagan arrimaha doorashada dalka, kaas oo u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Wararka laga helayo kulamadii dhex-dhexaadinta ahaa ayaa sheegaya in ergadii odayaasha ahayd ee u kala dab qaaday labada dhinac ay ku guuldarreysteen in ay isu soo dhaweeyaan mowqifyada dowladda iyo mucaaradka. Sidaas darteed, wada-hadalladii la filayay in ay horseedaan tanaasul siyaasadeed ayaa ku dhammaaday natiijo la’aan.
Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee maanta la kulmay xubnaha mucaaradka ayaa sheegay in ay jireen odayaal kale oo ka cagajiiday in ay si buuxda uga qeyb qaataan dadaallada xalinta khilaafka, iyadoo lagu eedeeyay in qaar kamid ah ay xiriir dhow la leeyihiin Villa Soomaaliya, taas oo dhalisay shaki ku saabsan dhexdhexaadnimada geeddi-socodkaasi.
Mucaaradka ayaa dhankooda adkeeyay mowqifkooda ku aaddan qabashada bannaanbax weyn oo ay ku baaqeen in uu ka dhaco Muqdisho 4-ta Juun. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad uga hor timid qorshahaas, iyadoo muujisay walaac dhinaca amniga ah iyo suurtagalnimada in uu sababo isku dhac.
Saacadihii la soo dhaafay waxaa si weyn loo hadal hayay hadallo kulul oo ay hawada isku mariyeen masuuliyiin iyo xubno ka kala tirsan labada dhinac. Hadalladaasi ayaa isugu jiray digniino iyo adkeysi siyaasadeed, iyadoo dhinac uu sheegayay in bannaanbaxa aan la oggolaan doonin, halka dhinaca kalena uu ku adkeysanayo in uu qabsoomi doono.
Waxaa sidoo kale la maqlayay fariimo ay ka mid ahaayeen “ma dhici karto in la qabto” iyo “waan qabaneynaa”, halka dhinaca kale ay jireen hadallo digniin xanbaarsan oo ku saabsan tallaabooyin laga yaabo in la qaado haddii bannaanbaxa la isku dayo in la hor istaago.
Shacabka Muqdisho ayaa hadda u muuqda marqaati ka noqonaya loollan siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, iyadoo labada garab ay isku dayayaan in ay muujiyaan awoodda taageerayaasha ay leeyihiin.









