LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dil naxdin leh oo ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Hiiraan

Wararka laga helayo waqooyiga gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta nin xoolo-dhaqato ah lagu dilay deegaanka Madax-Maroodi, kaddib weerar ka dhacay duleedka deegaankaasi.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, marxuumka oo ahaa nin xoolo dhaqato ah ayaa la dilay xilli uu ku sugnaa deegaanka Madax-Maroodi, iyadoo dhacdadan ay si weyn uga nixisay bulshada ku dhaqan halkaasi iyo guud ahaan gobolka Hiiraan.

Dilkan ayaa yimid xilli dhowaan isla deegaanka Madax-Maroodi lagu qabtay dadaallo nabadeed iyo heshiis lagu dhex-dhexaadinayay laba beelood oo horay uu u dhex maray khilaaf sababay iska-horimaadyo iyo khasaare naf iyo maalba leh. Dad badan ayaa hadda walaac ka muujinaya in dhacdadan cusub ay dib u dhaawici karto rajadii laga qabay xasilloonida deegaanka.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in xaaladda deegaanka ay kacsan tahay, inkastoo ilaa hadda aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka gobolka ama laamaha amniga oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dhacdada.

Geerida marxuumka ayaa murugo xooggan ku abuurtay shacabka deegaanka, gaar ahaan iyadoo la sheegay inuu ahaa qof rayid ah oo ku howlanaa nolol maalmeedkiisa.

Dhacdadan ayaa markale dib u soo nooleysay baaqyada ku aaddan joojinta colaadaha soo noqnoqda iyo dhiigga ku daadanaya deegaannada miyiga ah, iyadoo bulshada ay isweydiinayaan goorta ay dhammaan doonaan dilalka iyo iska-horimaadyada saameynta ku yeeshay nolosha dadka shacabka ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *