Villa Soomaaliya oo Wada Qorshe Lagu Qancinayo Beelaha Muqdisho ka hor Bannaanbaxyada Mucaaradka

Warar isa soo taraya oo laga helayo gudaha Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, uu maalmihii lasoo dhaafay waday kulamo hoose iyo wada-hadallo siyaasadeed oo uu la yeeshay odayaal dhaqameed, waxgarad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda qaar kamid ah beelaha dega magaalada Muqdisho.
Kulamadan oo si weyn looga dareemayo xarumaha siyaasadda dalka ayaa imanaya xilli magaalada Muqdisho laga dareemayo xiisad siyaasadeed oo sii kordheysa, kadib markii mucaaradka ay ku baaqeen bannaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda Federaalka, kuwaas oo la filayo inay dhacaan toddobaadyada soo socda.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in kulamada uu Madaxweyne Xasan Sheekh la yeeshay waxgaradka beelaha ay qeyb ka yihiin qorshe ay Villa Soomaaliya ku doonayso inay ku dejiso cabashooyinka siyaasadeed ee jira, islamarkaana lagu yareeyo taageerada ay qaar kamid ah beelaha Muqdisho u muujinayaan mucaaradka.
Wararka ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhawaan kulan gaar ah la yeeshay siyaasiyiin, xildhibaanno iyo waxgarad ka soo jeeda Beesha Murusade, oo kamid ah beelaha saameynta ku leh siyaasadda Muqdisho.
Kulankaasi ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, khilaafka hareeyay arrimaha doorashooyinka, iyo cabashada ka taagan qorshaha muddo kororsiga ee lagu eedeynayo dowladda Federaalka.
Beesha Murusade ayaa waxaa kasoo jeeda siyaasiyiin mucaarad ah oo ay kamid yihiin Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Hassan Ali Khaire, iyo Xildhibaan Jacfar, kuwaas oo si cad uga soo horjeestay siyaasadda dowladda Federaalka iyo hannaan kasta oo horseedi kara muddo kororsi.
Ilo ku dhow kulanka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu isku dayay inuu yareeyo xiisadda siyaasadeed isla markaana uu helo taageero ama dhexdhexaadnimo uga timaadda qeybaha kala duwan ee beeshaasi.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu kulan la yeeshay xubno ka tirsan Beesha Ciise Harti ee kamid ah Beelaha Abgaal, kuwaas oo iyaguna leh saameyn siyaasadeed iyo mid bulsho oo xooggan gudaha caasimadda.
Kulamadaasi ayaa lagu falanqeeyay arrimaha amniga Muqdisho, xaaladda siyaasadeed ee cakiran, iyo walaaca laga qabo in bannaanbaxyada mucaaradka ay horseedi karaan isku dhacyo siyaasadeed iyo kuwo amni.
Villa Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inay dadaal xooggan ku bixinayso sidii loo xaqiijin lahaa in beelaha dega Muqdisho aysan si buuxda ugu biirin dhaq-dhaqaaqyada mucaaradka, gaar ahaan xilli ay sii kordhayaan eedeymaha la xiriira muddo kororsi iyo dib u dhac ku yimaadda geeddi-socodka doorashooyinka.
Dhanka kale, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa dardar gelinaya abaabulka bannaanbaxyada la qorsheynayo, iyaga oo dowladda ku eedeeyay inay isku dayayso inay muddo kororsi sameyso islamarkaana ay dib u dhigto hannaan doorasho oo lagu heshiin yahay.
Mucaaradka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay kulamada qarsoodiga ah ee Villa Soomaaliya la leedahay qaar kamid ah waxgaradka Muqdisho, iyaga oo ku tilmaamay isku day lagu kala fogeynayo bulshada iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda dowladda.
Xiisadda siyaasadeed ee Muqdisho ayaa haatan mareysa heer xasaasi ah, iyadoo indhaha lagu hayo sida ay dowladda Federaalka iyo mucaaradku u wajahaan maalmaha soo socda, gaar ahaan haddii bannaanbaxyada lagu dhawaaqay ay si rasmi ah u dhacaan.









