Ciidanka Haramcad oo dhac ka billaabay Magaalada Baydhabo

Warar kala duwan oo laga helayo magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta ay halkaasi ka dhalatay xiisad amni kadib markii ciidamo ka tirsan booliiska gaarka ah ee Haramcad ay xireen isgoyska muhiimka ah ee Afar-Irdoodka, iyagoo ka cabanaya mushaar la’aan muddo dheer soo jiitamaysay.
Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay ka gadoodsanaayeen mushahar la’aan lagu sheegay inay gaareyso ku dhawaad laba sano, taas oo sababtay inay sameeyaan dhaq-dhaqaaq ciidan oo saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka magaalada.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada careysan ay hakad geliyeen isu socodkii Afar-Irdoodka, oo ah meel muhiim u ah isku xirka waddooyinka magaalada Baydhaba. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in rasaas goos-goos ah hawada loo riday, taas oo cabsi gelisay shacabka ku sugnaa goobaha ganacsiga iyo xaafadaha u dhow.
Dhanka kale, wararka ayaa intaas ku daraya in goob lagu iibin jiray jaadka oo loo yaqaano “Xero Jaad” ay ka dhacday bililiqo iyo qalalaase kadib markii xaaladdu faraha ka baxday. Ganacsato ku sugneyd halkaasi ayaa sheegay in hanti iyo jaad la dhacay xilli ay jireen jahwareer iyo kala carar.
Ilaa hadda ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ama taliska ciidamada Haramcad oo ku saabsan cabashada ciidamada iyo dhacdooyinka maanta ka dhacay Baydhaba.









