Dowladda Soomaaliya oo billaawday qorsho looga hortagayo cudur halis ah

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay diyaar garowga ka hortagga cudurka Ebola
Somalia ayaa ku dhawaaqday qorshe cusub oo lagu xoojinayo u diyaar garowga cudurka Ebola, xilli ay sii kordhayaan walaacyada caafimaad ee ka jira dalalka Geeska Afrika kadib markii dalal deris la ah Soomaaliya laga soo sheegay kiisas cusub oo la xiriira xanuunkaasi halista ah.
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in ilaa hadda aan wax kiis ah oo Ebola ah laga diiwaangelin gudaha dalka, balse dowladda ay qaadayso tallaabooyin degdeg ah oo lagu adkeynayo feejignaanta caafimaad iyo ka hortagga faafitaanka cudurka.
Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa shaaciyay in Demartino Public Hospital loo asteeyay xarunta ugu weyn ee lagu baarayo laguna karantiilayo kiisaska looga shakiyo Ebola. Isbitaalka ayaa horey door muhiim ah uga qaatay la tacaalidda xaalado caafimaad oo degdeg ah oo ay ku jiraan cudurradii faafay sida COVID-19.
Kulamo degdeg ah oo lagu qabtay xarunta xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka ee Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa nidaamka digniinta hore, baaritaanka dadka ka imanaya dalalka ay xaaladuhu ka jiraan iyo tababarka shaqaalaha caafimaadka. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in la adkeyn doono baaritaannada ka socda garoomada diyaaradaha, dekedaha iyo xuduudaha dalka.
Qorshaha cusub ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya hay’ado caalami ah oo ay kamid yihiin World Health Organization, International Organization for Migration iyo Africa Field Epidemiology Network, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ka taageeraya dhinacyada dabagalka cudurrada, qalabka caafimaadka iyo tababarrada shaqaalaha caafimaadka.
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in tallaabooyinka hadda socda ay qeyb ka yihiin qorshe qaran oo lagu xoojinayo awoodda Soomaaliya ee la tacaalidda cudurrada faafa. Dowladda Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay kordhisay dadaallada la xiriira nidaamyada dabagalka cudurrada iyo diyaar garowga xaaladaha degdegga ah, iyadoo taageero ka helaysa hay’adaha caalamiga ah.
Cudurka Ebola ayaa kamid ah cudurrada ugu halista badan ee fayraska ah, waxaana lagu kala qaadaa dheecaannada jirka ee qofka qaba cudurka. Calaamadaha ugu badan waxaa kamid ah qandho daran, matag, dhiig-bax iyo tabar darro xooggan. Hay’adaha caafimaadka ayaa ku boorriyay shacabka inay si degdeg ah ula xiriiraan xarumaha caafimaadka haddii lagu arko calaamado la xiriira cudurkaasi.









