LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

XOG: Dowladda oo Ciidamo dul-dhigtay Xero uu degan yahay Janeral Saney Cabdulle

Ciidamo gaar ah oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la geeyay xero ciidan oo uu horey u deganaa Janaraal Saney Cabdulle, sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoonaan karo.

Ciidamadan ayaa markii hore qorsheynayay inay si toos ah ula wareegaan xerada uu Gen. Saney ku leeyahay deegaanka Geed Timirka ee degmada Gubadley. Si kastaba, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa amar ku bixiyay in ciidankaasi ay la degaan ciidamada kale ee loo yaqaan Buluusiya Militare, kuwaas oo iyaguna ku sugan deegaankaas isla markaana leh xero ciidan oo u dhow.

Janaraal Saney Cabdulle, oo ah Taliyaha Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa la sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka qabto shaki ku saabsan mowqifkiisa siyaasadeed. Wararka ayaa tilmaamaya in dowladda ay ka welwelsan tahay inuu ku biiro ama taageero ciidamo mucaarad ah oo loo yaqaan “Badbaado Qaran”.

Shakigan ayaa salka ku haya taariikhdiisa, maadaama uu hore uga mid ahaa saraakiishii ka horjeeday dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Janeraal Saneey Cabdulle ayaa sidoo kale kamid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee saaxiibada la ah Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo siweyn uga soo horjeeda damaca Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ama Gen. Saney Cabdulle oo arrintan ku saabsan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *