Villa Somalia oo Go’aan ka gaartay musharaxa Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee Galmudug

Warar soo baxay saacadihii la soo dhaafay ayaa sheegaya in shir xalay ka dhacay Madaxtooyada lagu go’aamiyay in Liibaan Axmed Xasan uu noqdo musharaxa rasmiga ah ee Xisbiga JSP ee doorashada Galmudug.
Sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoonaan karo, kulanka ayaa ahaa mid ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin sare oo dowladda ka tirsan, waxaana la isku raacay in Liibaan Axmed Xasan loo xusho inuu matalo xisbiga JSP, arrintaas oo si weyn u soo jiidatay indhaha siyaasiyiinta iyo falanqeeyayaasha.
Go’aankan cusub ayaa la rumeysan yahay inuu keeni karo isbeddel siyaasadeed iyo mid xukuumadeed, gaar ahaan marka la eego miisaanka siyaasadeed ee musharaxa la magacaabay iyo saameynta uu ku leeyahay siyaasadda koonfurta Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda in Madaxweynaha uu si rasmi ah u qaatay go’aankan, iyo in uu yahay mid istaraatiiji ah oo waqti lagu iibsanayo. Waxaa sidoo kale la xusuustaa in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) hore loogu dhiirrigeliyay hannaan la mid ah, iyadoo lagu qanciyay inuu ku tartamo kaarka Xisbiga JSP.
Arrintan ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda sii iftiimiso jihada siyaasadeed ee Galmudug iyo doorka xisbiga JSP ee doorashooyinka soo socda.









