LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Nin Dhaqtar ahaa oo lagu Afduubtay Magaalada Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu afduubtay Dr. Faarax Cabdi Maxamed oo ka mid ahaa dhakhaatiirta ka howl gasha Isbitaalka Guud ee Gaalkacyo, kana tirsanaa hay’adda samafalka caafimaadka ee (MSF).

Wararka laga helayo ilo kala duwan ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay afduubteen dhakhtarka xilli uu ku guda jiray howlihiisa caafimaad. Afduubka ayaa si weyn u gilgilay bulshada deegaanka, maadaama Dr. Faarax uu ahaa shaqsi door muhiim ah ka ciyaarayay adeegyada caafimaad ee magaalada.

Kooxaha afduubka geystay ayaa la sheegay inay baahiyeen muuqaal ay ku soo bandhigayaan dalabkooda, iyagoo ku xiraya sii deynta dhakhtarka in la sii daayo nin ku xiran magaalada Garoowe, kaas oo Laamaha Amniga Puntland ay xireen.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in sababaha afduubka lala xiriirinayo haybta dhakhtarka, iyadoo lagu eedeeyay inuu ka soo jeedo beel ay wadaagaan Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni. Arrintan ayaa sii kordhisay xiisadda iyo dareenka bulshada, maadaama ay taabanayso arrimo xasaasi ah.

Maamulka Puntland iyo hay’adaha ammaanka ayaan weli si faahfaahsan uga hadlin dhacdadan, hase yeeshee waxaa socda dadaallo lagu raadinayo dhakhtarka la afduubtay iyo sidii loo xaqiijin lahaa badbaadadiisa.

Dhacdadan ayaa mar kale iftiimisay caqabadaha amni ee ka jira qeybo ka mid ah dalka, gaar ahaan meelaha ay ka howlgalaan shaqaalaha gargaarka bani’aadannimo, kuwaas oo mararka qaar wajahaya khataro la xiriira afduub iyo weerarro.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *