Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay tallaabo ay qaadeen Israa’iil iyo Somaliland

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka ay Israa’iil ku shaacisay inay wakiil diblomaasiyadeed u soo magacawday Somaliland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xoghaynta Guud ee ururka.
OIC ayaa sheegtay in tallaabadan ay tahay mid wax u dhimaysa madax-bannaanida, midnimada qaran iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ururku wuxuu Somaliland ku tilmaamay “gobol ka tirsan waqooyi-galbeed Soomaaliya,” isagoo gebi ahaanba diiday sharciyadda tallaabadaasi.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Israa’iil, oo OIC ku tilmaantay “quwad gumeysi,” ay qaaday tallaabo ka hor imanaysa mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo axdiyada Qaramada Midoobay.
Dhanka kale, OIC waxay mar kale xaqiijisay mowqifkeeda ku aaddan taageerada buuxda ee ay siiso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo adkaysay in ay garab taagan tahay madax-bannaanida dalka, midnimadiisa dhuleed, iyo hay’adaha sharciyeysan ee dowladda.
Ururka ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan qawaaniinta caalamiga ah, gaar ahaan kuwa ilaalinaya madax-bannaanida iyo xuduudaha dalalka xubnaha ka ah beesha caalamka.
Ugu dambeyn, OIC waxay ku celisay in tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo wadajirka Soomaaliya ay tahay mid aan la aqbali karin, iyadoo sidoo kale ku boorrisay beesha caalamka inay si buuxda u ilaaliso sharciga caalamiga ah iyo qawaaniinta qaramada midoobay.









