LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ururka IGAD oo war culus kasoo saaray weerarka dowladda ku qaaday mucaaradka

Ururka IGAD ayaa walaac weyn ka muujiyay wararka ku saabsan rabshadaha iyo dagaallada ka socda magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka dhashay xiisadaha siyaasadeed iyo muranka dastuuriga ah ee sii xoogeysanaya.

Qoraal ay soo saartay IGAD ayaa si adag loogu cambaareeyay dhammaan falalka rabshadaha ah, iyadoo dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya loogu baaqay inay muujiyaan is-xakameyn, yareeyaan xiisadda, isla markaana khilaafaadkooda ku xalliyaan wadahadal nabadeed, loo dhan yahay, oo wax ku ool ah.

Xoghayaha Fulinta IGAD, Workneh Gebeyehu, ayaa sheegay in xilligan muhiimka ah ay lama huraan tahay in la ilaaliyo nabadda, xasilloonida, midnimada qaranka, iyo guulihii laga gaaray dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya.

“Dhammaan daneeyayaasha waa inay ka hormariyaan maslaxadda shacabka Soomaaliyeed khilaafaadka siyaasadeed, isla markaana ay raadiyaan xalal ku dhisan wadahadal iyo is-afgarad,” ayuu yiri Gebeyehu.

Baaqa IGAD ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Muqdisho ay ka dhaceen iska horimaadyo hubeysan iyo rasaas culus oo ka dhalatay howlgallo ay ciidamada dowladda ka fuliyeen goobo ay degan yihiin siyaasiyiin mucaarad ah. Dhacdadan ayaa sii hurisay xiisadda siyaasadeed iyadoo ay soo dhow yihiin dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu hay’adaha amniga u adeegsanayo cadaadis siyaasadeed oo ka dhan ah mucaaradka, arrintaas oo dhalisay cabsi laga qabo in xaaladdu isu beddesho rabshado ballaaran iyo kala qaybsanaan hor leh.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *