Mucaaradka oo diiday dhex-dhexaadinta Turkiga xilli uu hubeynayo Xasan Sheekh Maxamuud

Wafdi heer sare ah oo ka socday dowladda Turkiga, kaas oo lagu waday inuu Khamiistii soo gaaro magaalada Muqdisho, ayaa dib u dhigay safarkiisii kadib dagaalladii iyo iska horimaadyadii hubeysnaa ee maalmihii u dambeeyay ka dhacay caasimadda Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in wafdigan uu qorsheynayay inuu ka shaqeeyo dadaallo lagu dejinayo xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, xilli uu sii xoogeysanayo muranka la xiriira doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka.
Ilo siyaasadeed ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee Muqdisho, iyo sidoo kale madaxda Jubbaland iyo Puntland, ay kalsooni badan ku qabaan dadaallada dhexdhexaadinta ee ay hormuudka ka yihiin Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka.
Dhanka kale, qaar ka mid ah mucaaradka ayaa muujiyay walaac ku saabsan doorka Turkiga ee dhexdhexaadinta, iyagoo ku doodaya in xiriirka dhow ee Ankara la leedahay dowladda federaalka uu saameyn karo aragtida dhexdhexaadnimada ee wada-hadallada siyaasadeed ee la qorsheynayo.
Dib u dhaca safarka wafdiga Turkiga ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan dadaallada caalamiga ah ee lagu raadinayo xal siyaasadeed oo looga gudbo khilaafaadka hareeyay Soomaaliya.









