LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Turkiga oo Soomaaliya usoo tababaray Guuto Gorgor oo dhammaystiran, hawlgallo waaweynna loo diyaarinayo

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid) iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Jamhuuriyadda Turkiga, Jeneraal Metin Tokel, ayaa maanta magaalada Manisa ugu soo xiray tababar heersare ah Guutada 21-aad Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Dhulka XDS.

Munaasabaddan ayaa noqonaysa mid taariikhi ah, maadaama ay tahay guutadii ugu horreysay ee dhammaystiran oo ka tirsan Kumaandooska Gorgor, taas oo hal waqti iyo hal goob lagu wada tababaray. Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay dardargelinta dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka, si ay waajibaadka qaran ee horyaalla ugu gutaan awood iyo isku-xirnaan buuxda.

Qalin-jebinta ciidankan ayaa ku soo beegmaysa xilli Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay wadaan diyaar-garow xooggan oo ku aaddan hawlgallo ballaaran oo ka dhan ah argagixisada, si dalka looga sifeeyo cadowga ragaadiyay nabadda iyo horumarka qaranka Soomaaliyeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *