Laftagareen oo mowqif adag ka qaatay Baarlamaanka, doorashada Guddoomiyahana qaadacay

Madaxweynihii hore ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa si cad isaga fogeeyay doorashada hoggaanka Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo sheegay in maamulkiisu uusan cidna wakiil uga dhigan, una dirin doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka.
War qoraal ah oo kasoo baxay dhinaca Laftagareen ayaa lagu beeniyay in shaqsi kasta oo ka qeybgalaya doorashada hoggaanka Baarlamaanka uu matalayo maamulkiisa.
“Dowladda Koonfur Galbeed waxay caddeyneysaa in aysan cidna fasaxin ama u dirin doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Qoraalka ayaa intaas ku daray in mowqifka Laftagareen uusan waxba iska beddelin, isla markaana uusan aqoonsanayn jiritaanka Baarlamaanka hadda jira.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee hareeyay hannaanka doorashada hoggaanka Baarlamaanka, gaar ahaan muranka la xiriira cidda ka qeybgalaysa, matalaadda maamul-goboleedyada iyo sharciyadda geeddi-socodka socda.
Caddeynta kasoo baxday Laftagareen waxay sidoo kale fariin toos ah u tahay shaqsiyaadka laga yaabo inay sheegtaan inay Koonfur Galbeed ku metelayaan doorashada, iyadoo dhinaciisu meesha ka saaray in xubnahaas ay haystaan oggolaansho ama wakiillanimo rasmi ah.
Mowqifkan cusub ayaa sii muujinaya qotada khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka Baarlamaanka, waxaana indhaha lagu hayaa saameynta uu ku yeelan karo doorashada Guddoomiyaha iyo muranka siyaasadeed ee ka dhashay dhismaha hay’adaha cusub.









