LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

DEG DEG: Puntland oo Qabsatay Taliskii Carmo, Ciidamo Taabacsanaa Dowladda Federaalka oo Laga Saaray

Dawladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay Talis Ciidan oo ku yaalla magaalada Carmo, kaas oo ay hore u deggenaayeen maleeshiyaad hubaysan oo Puntland sheegtay inay amarro ka qaadanayeen xukuumadda Federaalka.

La wareegista xaruntan ayaa qayb ka ah tallaabooyin amni oo Puntland ay sheegtay inay ku doonayso inay ku xoojiso kala dambeynta, xasilloonida iyo awoodda hay’adaha dowliga ah ee deegaannada ay maamusho.

Sida lagu sheegay xogta la shaaciyey, ciidamada Puntland ayaa si buuxda ula wareegay taliska, waxaana gacanta maamulka lagu soo celiyey xarunta iyo ammaankeeda.

Puntland ayaa ku eedeysay kooxihii hore ugu sugnaa taliska inay deegaannadeeda ka wadeen dhaqdhaqaaqyo ay ku tilmaantay kuwo khal-khal gelinaya amniga iyo xasilloonida bulshada.

Maamulka ayaa sidoo kale digniin u diray dhammaan kooxaha hubaysan, isaga oo ku amray inay u hoggaansamaan hay’adaha amniga iyo sharciga ee Puntland.

Tallaabadan ayaa imanaysa iyadoo Puntland ay maalmihii u dambeeyey kordhisay cadaadiska ay saarayso cutubyada iyo kooxaha hubaysan ee aan si toos ah uga amar qaadan hay’adaha ammaanka Puntland, iyadoo hore tallaabooyin noocan oo kale ah uga qaaday xarumo kale.

Dawladda Puntland ayaa sheegtay inay sii wadi doonto hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo ilaalinta shacabka, iyadoo ku adkaysatay in tallaabooyinkaas loo fulinayo si waafaqsan sharciga iyo Dastuurka Puntland.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *