Turkiga oo shaaciyay waqtiga uu howlgelin doono Xarunta Dayax-Gacmeedka uu ka dhisayo Soomaaliya

Agaasimaha Guud ee shirkadda isgaarsiinta dayax-gacmeedka ee Turkiga ee Türksat, Ahmet Hamdi Atalay, ayaa shaaca ka qaaday in dayax-gacmeedka cusub ee TÜRKSAT 7A uu noqon doono kii ugu horreeyay ee si rasmi ah looga gano gudaha Soomaaliya, marka la dhammaystiro dhismaha xarunta mashruuca.
Atalay ayaa sheegay in mashruucan uu yahay mid istiraatiiji ah oo lagu ballaarinayo adeegyada isgaarsiinta dayax-gacmeedka ee gobolka Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay door muhiim ah ka ciyaari doonto hirgelinta iyo hawlgelinta mashruucan.
Sida uu sheegay Agaasimaha Guud, mashruuca TÜRKSAT 7A wuxuu weli marayaa marxalado diyaar-garow iyo qorsheyn farsamo ah, iyadoo la dhammeystirayo naqshadeynta iyo kaabayaasha lagama maarmaanka u ah hawlgalka dayax-gacmeedka.
Waxaa sidoo kale la qorsheynayaa in dayax-gacmeedka TÜRKSAT 7A si rasmi ah loo hawlgeliyo sanadka 2029, taas oo haddii ay hirgasho noqon doonta tallaabo weyn oo lagu xoojinayo iskaashiga teknoolojiyadda ee Turkiga iyo Soomaaliya.
Mashruucan ayaa la filayaa inuu Soomaaliya u horseedo fursado la xiriira:
- Horumarinta adeegyada internet-ka iyo isgaarsiinta
- Xoojinta amniga xogta iyo isgaarsiinta dowliga ah
- Kordhinta awoodda tignoolajiyadda dayax-gacmeedka ee gobolka
- Abuurista shaqooyin iyo tababaro farsamo
Haddii mashruucan si buuxda loo hirgeliyo, Soomaaliya waxay noqon doontaa meel istiraatiiji ah oo laga bilaabo howlgalka dayax-gacmeedka TÜRKSAT 7A, taas oo sare u qaadi karta kaalinta dalka ee tignoolajiyadda casriga ah ee caalamiga ah.









