Boqor Buurmadow oo mowqifkiisii hore bedelay kuna dhawaaqay Go’aan cusub

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow), oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee saameynta leh, ayaa maanta si cad u shaaciyey mowqif siyaasadeed oo cusub oo uu ku taageerayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, isagoo sheegay in uu isaga yahay “ninka keliya ee maanta dalka anfacaya”.
Boqorka ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo waxgaradka, isagoo tilmaamay in isaga iyo odayaasha dhaqanka ee uu ka midka yahay ay yihiin “saxiixayaasha Federaalka Soomaaliyeed”, islamarkaana ay door muuqda ku leeyihiin jihada siyaasadda dalka.
“Anigu waxaan ku jira odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee saxiixayaasha Federaalka; ninka keliya ee na anfacaya maanta waa Xasan Sheekh. Xildhibaannada uu rabo ayaan u soo xuleynaa, wuxuu rabo ayaan u saxiixaynaa, annana (Somaliland) waxayaga ayaan ka saxiixanaynaa.”
Hadalkan ayaa si weyn u soo jiitay indhaha shacabka iyo falanqeeyayaasha siyaasadda, maadaama uu si toos ah u taabanayo arrimaha doorashooyinka iyo saameynta odayaasha dhaqanka ee geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya.
Boqor Buurmadow ayaa hore marar badan loogu arki jiray inuu taageero siyaasiyiin kala duwan, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Puntland Said Abdullahi Deni, balse hadalkan cusub ayaa muujinaya isbeddel muuqda oo dhanka mowqifkiisa siyaasadeed ah.









