Dagaalo iyo duqeymo ka dhacay duleedka Degmada Jilib & Al-Shabaab oo khasaaro lagu gaarsiiyay

Ciidamada Kumaandooska DANAB ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay agagaarka degmooyinka Jilib, Xagar iyo Afmadow ayaa waxaa wehliyay duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen saaxiibada caalamka, kuwaas oo bartilmaameedsaday fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, kana difaacayeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Wararka laga helayo howlgalka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah ay jab xooggan gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla markaana lagu dilay xubno muhiim ah oo ka tirsanaa kooxda, sida ay Warbaahinta u sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland.
Sidoo kale, ciidamada ayaa howlgalka intii uu socday gacanta ku dhigay hub kala duwan oo ay ka mid yihiin qoryaha culus ee BKM, RPG, AK-47 iyo walxo qarxa oo isugu jira miinooyin.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa tilmaamay in howlgallada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan, si loo xaqiijiyo amniga guud ee deegaanada Jubbooyinka loogana saaro Kooxda Al-Shabaab, isla markaana Ciidamadu ay doonayaan inay Al-Shabaab ka saaraan degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.









