LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Muddo xileedka Baarlamaanka oo Maanta ku eg, Dowladda iyo Mucaaradka oo..

Waxaa maanta si rasmi ah u dhammaaday muddo-xileedkii afarta sano ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo xaaladda siyaasadeed ee dalka ay gashay marxalad cusub oo xasaasi ah.

Inkasta oo Baarlamaanka uu waqtigiisu idlaaday, haddana Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u harsan muddo ku dhow hal bil oo ka mid ah muddo-xileedkiisa. Arrintan ayaa imaneysa xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ay hore u meelmarisay dastuur cusub oo muran badan dhaliyay, kaas oo dhigaya in muddo-xileedka hay’adaha dowladda laga dhigo shan sano.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay garab taagan yihiin maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa maanta la wadaagay beesha caalamka in muddo-xileedkii Baarlamaanka uu si rasmi ah u dhammaaday. Waxay ku baaqeen in la kordhiyo cadaadiska caalamiga ah ee lagu saarayo dowladda si ay u oggolaato hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.

Wararka ayaa sheegaya in mucaaradku u arkaan tallaabo kasta oo ka baxsan waqtiga dastuuriga ah mid sharci-darro ah, taasoo sii xoojin karta khilaafka siyaasadeed ee dalka.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata mid aan wali la jaanqaadin waqtiga siyaasadeed ee jira, iyadoo diiradda saareysa qabashada doorashooyinka dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Ilo ku dhow dowladda ayaa sheegaya in qorshuhu yahay in haddii doorashooyin toos ah laga hirgeliyo dowlad goboleedyadan, loo adeegsado tusaale muujinaya in doorasho qof iyo cod ah laga qaban karo heer federaal.

Mucaaradka oo hore ugu goodiyay in ay bilaabi doonaan doorashooyin dadban haddii xal la waayo, ayaa la sheegay in dardartooda ay hoos u dhacday toddobaadyadii la soo dhaafay. Si kastaba ha ahaatee, warar hoose ayaa tilmaamaya in ay ku heshiiyeen in ay bilaabaan kacdoonno ka dhaca magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu muujinayo diidmada ay qabaan habka ay dowladda u wado arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale, mucaaradka ayaa qorsheynaya in toddobaadyada soo socda ay shir ku yeeshaan magaalada Gaalkacyo, halkaas oo la filayo in ay kaga tashadaan jihada siyaasadeed ee xigta iyo tallaabooyinka ay qaadi doonaan.

Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa u muuqata mid sii cakirmeysa, iyadoo dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka aysan wali gaarin heshiis mideysan. Indhaha beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa hadda ku wajahan sida loo maareeyo marxaladdan kala guurka ah, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed oo hor leh.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *