Taliyihii Booliska Galmudug oo xilkii laga qaaday iyo mid cusub oo la Magacaabay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidanka Booliska Dowlad-goboleedka Galmudug Korneyl Khaliif Cabdulle Maalin, iyadoo isla markaana loo magacaabay taliye cusub oo hoggaamin doona Booliska maamulkaasi.
Wareegto kasoo baxday taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu magacaabay Gaashaanle Sare Maxamed Daahir oo hore u ahaa Taliyihii Guutada Ilaalada Madaxda Qaranka iyo Hay’adaha Dowladda (VIP), inuu noqdo Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Galmudug.
Taliyaha cusub ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah xilka ula wareego maalmaha soo socda, xilli maamulka Galmudug iyo dowladda federaalka ay wadaan dadaallo la xiriira sugidda amniga, dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo diyaar garowga arrimaha doorashooyinka dalka.
Isbeddelkan ayaa qeyb ka ah tallaabooyin xiriir ah oo dowladda federaalka Soomaaliya ay bilihii la soo dhaafay ku sameyneysay hoggaanka ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedyada iyo gobollada dalka. Dowladda ayaa hore u beddeshay qaar kamid ah taliyeyaasha Booliska dowlad-goboleedyada iyo saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee ka howlgalla gobollada kala duwan.
Wararka siyaasadeed ayaa tilmaamaya in isbeddelladan ay xiriir la leeyihiin qorshayaasha dowladda dhexe ee ku aaddan xoojinta amniga iyo maamulka doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan, iyadoo dowladda ay dooneyso inay meelaha muhiimka ah dhigto saraakiil ay si dhow ula shaqeyn karto.









