Aas wadareed loo sameeyay Dad ku dhin dagaal dhexmaray laba beelood

Waxaa maanta deegaanka Carmale ee gobolka Sanaag lagu aasay 23 qof oo ku geeriyootay dagaal culus oo maalmihii la soo dhaafay halkaasi ku dhex maray laba beelood oo walaalo ah. Dadka dhintay ayaa loo sameeyay xabaal wadareed, iyadoo deegaanka ay ka muuqatay murugo iyo baroordiiq ay sameynayeen ehellada iyo shacabka deegaanka.
Dagaalka oo la sheegay inuu ka dhashay xiisado hore u jiray ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana sidoo kale jira dad kale oo ku dhaawacmay iska horimaadyadaasi. Dhaawacyada qaarkood ayaa loo qaaday cisbitaalka magaalada Ceerigaabo si loogu fidiyo daryeel caafimaad.
Wararka laga helayo deegaanka Carmale ayaa sheegaya in xaaladdu weli tahay mid kacsan, inkastoo dadaallo ay wadaan odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka lagu doonayo in lagu joojiyo colaadda dib u soo noqnoqotay.
Mas’uuliyiin iyo qeybaha bulshada ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaallamay inay si degdeg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay u hoggaansamaan waanwaanta nabadeed si looga hortago dhiig kale oo daata.
Dagaallada beelaha ee ka dhaca qeybo kamid ah gobollada waqooyi ee Soomaaliya ayaa mararka qaar sababa khasaarooyin xooggan, iyadoo baaqyada nabadeed iyo heshiisiinta ay noqdaan kuwa ugu muhiimsan ee lagu xallin karo khilaafaadka soo laalaabta.









