Taliyeyaasha Ciidamada Dowladda oo Shir deg deg ah yeeshay, xilli mucaaradka bannaanbaxayaan

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa shir amni oo muhiim ah ku guddoomiyay Taliska Guud ee Ciidanka XDS, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga dalka iyo xoojinta howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiisha ugu sarreysa ciidamada, waxaana si gaar ah looga hadlay qorsheyaasha lagu dardargelinayo howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah ee weli ku dhuumaaleysanaya qeybo kamid ah dalka.
Intii uu socday kulanka, saraakiisha ciidamada ayaa si qoto dheer uga dooday heerka diyaar garow ee Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo amniga iyo xasiloonida dalka, si loo ilaaliyo guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Wararka laga helayo shirka ayaa sheegaya in saraakiisha ay soo bandhigeen qorsheyaal iyo go’aanno wax ku ool ah oo lagu xoojinayo amniga guud ee dalka, kuwaasi oo xoogga saaraya laba arrimood oo muhiim ah; dardargelinta howlgalada xoreynta deegaannada ay weli ku sugan yihiin Al-Shabaab iyo ka hortagga isku day kasta oo lagu carqaladeynayo nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.
Taliyaha Ciidanka XDS S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa saraakiisha ciidamada kula dardaarmay inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu sugayo amniga qaranka, islamarkaana ay muujiyaan feejignaan joogto ah iyo wada shaqeyn buuxda si loo xaqiijiyo guulo hor leh oo laga gaaro howlgalada socda.
Shirka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Kaaliyaha Taliska Guud, Taliyeyaasha Noocyada Ciidamada, Taliyeyaasha Talisyada Sahanka iyo Wardoonka, Ciidanka Gaarka ah, Hoggaannada Taliska Guud, Taliyeyaal Guuto iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii xoojineyso howlgalada militari ee ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay guulo ka sheeganayaan dagaallada ka socda gobollo dhowr ah oo dalka kamid ah.









