DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Goobo Ganacsi oo Soomaalida ku leedahay Koonfur Afrika oo xiray iyo xaaladda oo kacsan

Waxaa maalintii labaad xiran dhammaan dukaamada raashinka ah ee ay Soomaalidu ku leeyihiin deegaanka Strand oo ka tirsan duleedka magaalada Cape Town, ee dalka Koonfur Afrika, kaddib markii kooxo burcad hubeysan ah ay kusoo rogeen lacago baad ah oo ay ku qasbayaan ganacsatada inay bixiyaan.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ka shaqeysta deegaanka Strand ayaa la sheegay inay si wadajir ah u gaareen go’aan ay albaabada ugu laabayaan goobahooda ganacsi, maadaama aysan awoodin inay bixiyaan lacago joogto ah oo ay dalbanayaan kooxaha burcadda ah ee hubeysan.

Wararka laga helayo halkaasi ayaa sheegaya in kooxdan cusub ee burcadda ah ay maalmaihii lasoo dhaafay cabsi xooggan ku abuureen ganacsatada ajaanibta ah, gaar ahaan Soomaalida, iyagoo si toos ah ugu hanjabaya dadka diida bixinta lacagaha baadda.

Sidoo kale, burcaddan ayaa lagu eedeeyay inay dhawaan dilal ugeysteen muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka shaqeynayay dukaamada ku yaalla deegaanka Strand, waxaana la sheegay inay kaddib dilalkaasi sii xoojiyeen hanjabaadaha ay u dirayaan ganacsatada kale.

Qaar kamid ah ganacsatada ayaa sheegay in xaaladdu ay faraha kasii baxayso, islamarkaana aysan jirin amni ku filan oo ay ka helayaan laamaha ammaanka ee dalka Koonfur Afrika. Waxay sidoo kale sheegeen in kooxaha burcadda ah ay marba marka ka dambeysa sii badanayaan, iyagoo si abaabulan u bartilmaameedsanaya goobaha ganacsi ee ay ajaanibta leeyihiin.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *