LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Taliye Macalin Mahdi oo u hanjabay Siyaasiyiinta mucaaradka iyo Wariyeyaasha

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi), ayaa si adag uga hadlay xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee dalka, isagoo fariin u diray warbaahinta iyo cid kasta oo ka fikiraysa falal liddi ku ah amniga caasimadda Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay in warbaahinta aysan xaq u lahayn inay “duri karto” ama shaki geliso sharciyadda dastuurka la meelmariyay, isagoo carrabka ku adkeeyay in hay’adaha amniga ay u taagan yihiin ilaalinta nidaamka dowliga ah iyo kala dambeynta.

“Warbaahintu ma burburin karto sharciyadda dastuurka. Waxaa jira hay’ado u xilsaaran arrimahaas,” ayuu yiri Taliyaha Booliska Banaadir.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa digniin culus u diray cid kasta oo isku dayda inay qalalaase ka abuurto magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono.

“Waxaan gacan bir ah ku qaban doonaa qof kasta oo isku daya falal amni-darro ama abaabul ka dhan ah xasilloonida Muqdisho,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadalka Taliyaha ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo walaaca laga qabo xaaladda siyaasadeed ee dalka, kadib markii uu shalay si rasmi ah u dhammaaday muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, taas oo dhalisay su’aalo ku saabsan jihada siyaasadeed ee dalka iyo sida loo maareyn doono marxaladda kala guurka ah.

Waxaa isa soo taraya baaqyada ka imaanaya siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah ee ku aaddan in la helo xal siyaasadeed oo lagu dhameeyo khilaafaadka jira, si looga fogaado qalalaase iyo amni darro hor leh.

Ugu dambeyn, hadalka Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa loo arkaa fariin toos ah oo ku wajahan dhinacyada siyaasadda iyo bulshada, iyadoo lagu adkeynayo in amniga caasimadda aanu noqon doonin mid lagu tijaabiyo xaaladaha siyaasadeed ee cakiran.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *