Mucaaradka Muqdisho oo Caawa Kulan Xasaasi ah ku Leh Hoyga Sheekh Shariif

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ka soo jeeda magaalada Muqdisho ayaa caawa kulan muhiim ah ku yeelanaya hoyga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyagoo ka tashanaya xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka iyo marxaladda kala guurka ah ee lagu jiro.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayso hubanti la’aanta la xiriirta arrimaha doorashooyinka, kadib markii uu si rasmi ah u dhammaaday muddo xileedkii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo aan weli la isla meel dhigin hannaan doorasho oo lagu heshiiyay.
Wararka ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ay si gaar ah uga doodi doonaan qodobadii kasoo baxay shirkii Nairobi, iyo sidoo kale tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan si ay uga falceliyaan xaaladda siyaasadeed ee taagan.
Sidoo kale, waxaa la filayaa in kulanka lagu lafaguro waqtiga kooban ee u haray madaxtooyada, oo lagu qiyaasay 30 maalmood, iyadoo aan weli la gaarin heshiis rasmi ah oo ku saabsan doorashooyinka dalka.
Qaar kamid ah xubnaha ka qeyb galaya kulanka ayaa tilmaamay inay qaadanayaan masuuliyad dheeri ah marka loo eego xubnaha kale ee Golaha Mustaqbalka, maadaama ay saami wadaag siyaasadeed la leeyihiin Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.









