LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Puntland oo farriin hanjabaad ah u soo dirtay Madaxweyne Xasan Sheekh

Maamulka Puntland ayaa si cad u shaaciyay in aanu aqbalayn in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xilka sii hayo wixii ka dambeeya 15-ka May ee sannadkan, iyada oo ka digtay khataro ka dhalan kara muddo-dhaaf iyo firaaq dastuuri ah.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Puntland, Bile Qabowsade, ayaa sheegay in jiritaanka iyo wadajirka Soomaaliya ay ku xiran yihiin ilaalinta nidaamka federaalka iyo qabashada doorasho heshiis lagu yahay oo ay dhammaan dhinacyadu isku raacsan yihiin.

“Soomaali, waxa keliya ee ku wada jiri kartaa waa in la ilaaliyo nidaamka federaalka iyo doorasho lagu yahay heshiis oo la isla aqbalo. Dowladda Puntland ma aqbalayso muddo-dhaaf iyo in dalka uu galo firaaq dastuuri ah, tallaabooyin ayeyna qaadi doontaa,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenku.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka iyo suurtagalnimada in muddo-xileedka madaxda federaalka uu dhaafo waqtigii loo asteeyay. Puntland ayaa marar badan hore u muujisay walaac la xiriira jihada siyaasadeed ee dalka iyo sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *