LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Koonfur Galbeed oo shaacisay inay soo qaban doonaan Madaxdii hore ee Maamulka KGS

Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Joon ayaa sheegay in madaxdii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed ay yihiin “dambiilayaal qaran” isla markaana la baxsaday hanti qaran, isagoo xusay in dhawaan la qaban doono.

Qoraal uu wasiirku ku baahiyay bartiisa Facebook ayuu ku weeraray masuuliyiintii hore ee maamulka, isagoo ku eedeeyay inay geysteen tacaddiyo kala duwan oo ka dhan ah shacabka reer Koonfur Galbeed, isla markaana ay ka baxeen heshiisyo siyaasadeed iyo kuwo doorasho.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxdaasi ay “gabaad ka dhigteen Al-Shabaab” islamarkaana ay la shaqeeyeen kooxdaasi si ay u helaan difaac siyaasadeed iyo mid amni.

Qoraalka wasiirka ayaa sidoo kale lagu xusay eedeymo culus oo ay kamid yihiin:

Inay diideen dastuurkii lagu doortay.

Inay caburiyeen xorriyatul qowlka.

Inay diideen doorashooyin iyo wada hadal siyaasadeed.

Inay xireen cid kasta oo ka aragti duwaneyd.

Inay burburiyeen guryo ay lahaayeen shacabka.

Inay boob iyo musuq ku sameeyeen hanti dadweyne.

Inay tacaddiyo u geysteen muwaadiniin iyo saraakiil.

Inay ka baxeen heshiisyo qaran oo la xiriiray doorashooyinka.

Inay la baxsadeen hanti qaran.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ku eedeeyay madaxdaasi inay weli ku dhex nool yihiin deegaanno ay maamulaan Al-Shabaab, islamarkaana ay shacabka ugu hanjabayaan weerarro haddii ay ka qeyb galaan doorashooyinka.

“Hanti qaran oo lala baxsaday iyo dambiilayaal qaran oo baxsad ah baa mar dhow la qaban Insha Allah,” ayuu yiri wasiirka.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca madaxdii hore ee maamulka oo ay kaga jawaabayaan eedeymahaasi culus ee loo jeediyay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *