LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Taliye Guuto oo ku dhintay dagaalka Baydhabo & xaaladda oo kacsan

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay xaafadaha waqooyi ee magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ku dagaallameen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwo la sheegay inay daacad u yihiin madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay xaafado ku yaalla waqooyiga magaalada, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo rasaas xooggan iyo qaraxyo laga maqlayay qaybo badan oo magaalada ah.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo goobta ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyadii dagaallamay iyo sidoo kale dad rayid ah oo ku sugnaa meelaha uu iska horimaadku ka dhacay, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada guud ee khasaaraha.

Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyay in Taliye Cali Cadow oo ahaa taliyaha Guutada 8-aad uu ku dhintay dagaalkaasi. Geerida taliye Cali Cadow ayaa lagu tilmaamay mid saameyn ku yeelan karta xaaladda amni iyo dhaqdhaqaaqyada ciidamada dowladda ee gobolka.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in xiisadda u dhexeysa dhinacyada dagaallamay ay maalmihii lasoo dhaafay ka jirtay magaalada Baydhabo, iyadoo dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo abaabul dagaal laga dareemayay xaafadaha qaar kahor inta aanu dagaalku qarxin.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *