LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkii lagu dilay Saraakiisha Ciidamada

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar jidgal ah oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaas oo sababay dhimashada saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, waxayna bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay dishay saraakiil iyo askar ku safrayay gaadiid ciidan, isla markaana ay gacanta ku dhigtay afar baabuur oo qoryaha lidka diyaaradaha iyo kuwa culus saarnaayeen.

Sida ay wararku sheegayaan, saraakiisha la dilay ayaa kasoo laabanayay howlgal dagaal oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa taageersan Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen, kula galeen deegaano ka tirsan duleedka Baydhabo, markaas oo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay u dhigeen weerar jidgal ah.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in weerarka kadib ay halkaasi ka billowdeen duqaymo xooggan iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ballaaran, iyadoo la maqlayay jugta madaafiic iyo rasaas culus saacado badan kadib iska horimaadka.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay gurmadyo dheeraad ah geeyeen aagga dagaalku ka dhacay, iyadoo weli xaaladdu tahay mid kacsan islamarkaana ay adag tahay in si rasmi ah loo ogaado khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac kasoo gaaray dagaalka.

Dhanka kale, warar dheeraad ah ayaa sheegaya in qaar kamid ah askartii ku dhaawacantay dagaalka laga soo qaaday Baydhabo loona qaaday magaalada Mogadishu si loogu daweeyo xarumo caafimaad oo ku yaalla caasimadda.

Ma jiro weli war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ama maamulka Koonfur Galbeed oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarka iyo sheegashada Al-Shabaab ee ku aaddan qabsashada gaadiidka dagaalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *