LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Taliye Cabdirashiid Janan ee dagaal kaga dhawaaqay Gobolka Gedo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee dowladda Soomaaliya ugu magacaaban Gobolka Gedo Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan), oo ay weheliyaan saraakiil ciidan, ayaa maanta kormeer shaqo iyo kulan guud la yeeshay cutubyo ka tirsan ciidanka nabad sugidda, gaar ahaan Ururka Hilaac oo dhawaan la siiyay saanad ciidan.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga guud, kor u qaadista diyaar-garowga ciidanka, iyo dardargelinta howlgalada lagu xaqiijinayo nabadda deegaannada Jubaland.

Taliyaha ayaa si gaar ah u bogaadiyay dadaalka iyo hawl-karnimada ay muujiyeen ciidanku, isagoo xusay doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan sugidda amniga iyo xasilinta deegaannada.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa faray ciidamada inay si buuxda ugu diyaar garoobaan difaaca iyo xoreynta deegaannada, isla markaana muujiyaan feejignaan sare, isku-duubni iyo adkaysi, si loo xaqiijiyo amni waara oo lagu kalsoonaan karo.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu tayeynayo ciidamada amniga Jubaland iyo sare u qaadista awooddooda howlgal.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *