Dowladda Soomaaliya oo qaaday tallaabo ka dhan ah Siyaasiyiinta mucaaradka


Waxaa soo baxaya warar tilmaamaya in la xaddiday dhaqdhaqaaqa gaadiidka ciidamada ee kusoo jeeda gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay in amar ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu dhigayo in aanay magaalada soo geli karin gaadiid ciidan oo aan haysan oggolaansho rasmi ah.
Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah, go’aankan cusub ayaa lagu wargeliyay qaar ka mid ah cutubyada ciidamada, waxaana lagu adkeeyay in gaadiidka milatari ee ka imaanaya gobollada dalka aan lagu soo gelin karin caasimadda haddii aanay jirin fasax hore oo rasmi ah.
Ilo ku dhow taliska ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallo lagu xoojinayo nidaamka iyo sugidda amniga gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo si gaar ah loo adkeynayo dhaq-dhaqaaqa gaadiidka ciidamada ee kala duwan.
Hase yeeshee, weli si rasmi ah looma shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa amarkan cusub, waxaana uu kusoo aadayaa xilli ay dalka ka taagan tahay xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah.
Wararka qaar ee la helayo ayaa tilmaamaya in tallaabadan looga gol leeyahay in la xakameeyo in siyaasiyiinta mucaaradka aysan Magaalada Muqdisho soo gelin ciidamada taageersan ee ku sugan furimaha dagaalka si ay uga hortagaan muddo kororsiga Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.









