LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada-hadlay Amniga Xaduudaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Kenya u qaabilsan Soomaaliya, Cyprian Kubai Iringo, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa danjiraha la wadaagay guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyo horumarka laga sameeyay sugidda amniga guud ee dalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhow ee Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan amniga xuduudaha iyo ilaalinta danaha ay wadaagaan labada dal.

Danjire Cyprian Kubai Iringo ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha qaabilaadda diirran, isaga oo carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda Kenya xoojinta wada-shaqeynta labada dal, si loo sugo amniga loogana hortago khataraha argagixisada.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Safiir Ku-xigeenka Kenya Mudane Ilyaas Barre Shiil.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *