Taliyaha Cusub ee Booliiska Galmudug oo Gaaray Dhuusamareeb, xilli Madaxweyne Qoor Qoor weli…

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), waxaana safarkiisa ku wehlinayay Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Galmudug G/Sare Maxamed Daahir Cabdulle.
Wafdiga ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo ay ku qaabileen saraakiil katirsan Ciidanka Booliiska Galmudug iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka.
Socdaalka Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay mid la xiriira kormeerka xaaladda guud ee Ciidanka Booliiska Galmudug, qiimeynta heerka amniga iyo dardargelinta qorshayaasha lagu sugayo amniga doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka qabsoomaan deegaanada Galmudug.
Wararka ayaa sheegaya in inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, Taliye Kaniif uu kulamo la qaadan doono saraakiisha amniga iyo mas’uuliyiinta maamulka Galmudug, si loo xoojiyo wada shaqeynta laamaha ammaanka iyo diyaar garowga doorashooyinka soo socda.
Dhanka kale, tegitaanka magaalada Dhuusamareeb ee Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Galmudug G/Sare Maxamed Daahir Cabdulle ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan khilaafyo siyaasadeed oo la xiriira magacaabistiisa.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in weli Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) uu ka biyo diiddan yahay magacaabista taliyahan cusub oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya dhawaan u magacowday hoggaanka Booliiska Galmudug.
Lama oga weli sida uu Madaxweyne Qoor Qoor uga falcelin doono imaanshaha taliyaha cusub ee Booliiska, hase yeeshee waxaa la filayaa in saacadaha iyo maalmaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan mowqifka maamulka Galmudug ee arrintan.









