LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Mucaaradka oo ka guuray xarumahoodii, Sheekh Shariif oo billaabay iyo dowladda oo Go’aan qaadaneysa

Waxaa isa soo taraya dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo xubnaha mucaaradka dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilaabeen inay deegaan ka dhigtaan qaar kamid ah degmooyinka caasimadda, kadib markii ay ka soo guureen guryahooda ku yaalla aaga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu u guuray dhinaca Waqooyiga magaalada Muqdisho, halkaas oo la filayo inuu ka abaabulo bannaanbaxa ay mucaaradku hore ugu dhawaaqeen inuu maalinta berri ah ka dhaco caasimadda.

Ilo wareedyo siyaasadeed ayaa tilmaamaya in tallaabadan ay qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo ay mucaaradku ku doonayaan inay ku xoojiyaan abaabulka bannaanbaxa iyo isu diyaarinta dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee maalmaha soo socda.

Sidoo kale, xubno kale oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegay inay qorsheynayaan inay u kala guuraan degmooyin kala duwan oo kamid ah Muqdisho, kuwaas oo ay ku jiraan Hodan, Deyniile, Cabdicasiis, Warta Nabadda, Kaxda iyo Kaaraan. Wararka ayaa sheegaya in degmooyinkan loo xushay sababo la xiriira amniga, abaabulka taageerayaasha iyo fududeynta isu socodka bannaanbaxa la qorsheeyay.

Dhinaca kale, xaaladda amni ee magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay saacadihii ugu dambeeyay, iyadoo ciidamada ammaanka dowladda lagu arkayo waddooyinka muhiimka ah iyo goobaha la filayo inay ka dhacaan isu soo baxyo ama dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed.

Mucaaradka ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay inay caburin ku hayso shacabka iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda maamulka, halka dowladda ay dhankeeda sheegtay inay qaadayso tallaabooyin lagu sugayo amniga caasimadda iyo xasilloonida guud ee dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *