LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Mucaaradka oo Caawa iclaamiyay Goobaha ay ku qabanayaan bannaanbaxa

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Samatabixinta Qaranka ayaa caawa si rasmi ah u shaaciyay goobaha lagu qabanayo bannaanbaxa weyn ee ay ku baaqeen inuu berri ka dhaco magaalada Muqdisho.

Golaha ayaa sheegay in bannaanbaxa uu yahay mid looga soo horjeedo burburinta lagu sameeyay guryaha shacabka ee ku yaalla magaalada Muqdisho, iyo sidoo kale waxa ay ku tilmaameen diidmada dowladda Federaalka ee ku aaddan qabashada doorasho loo dhan yahay oo heshiis lagu yahay.

Qoraal kasoo baxay Golaha Samatabixinta Qaranka oo la ogeysiiyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha amniga dowladda ayaa lagu sheegay in bannaanbaxa si nabdoon uga dhici doono 22 goobood oo kala duwan oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Mucaaradka ayaa xusay in shacabka Muqdisho ay si xor ah uga qeyb qaadan karaan bannaanbaxa, iyagoo sheegay in ujeedkiisu yahay in cod lagu muujiyo cabashada ka dhalatay barakicinta iyo burburinta lagu hayo dadka deggenaa dhulalka dowladda.

Sidoo kale, Golaha Samatabixinta Qaranka ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay inay waddo qorshe siyaasadeed oo aysan qeyb ka ahayn saamileyda siyaasadda dalka, iyagoo sheegay in doorasho kasta oo aan loo dhammeyn aysan noqon doonin mid la aqbali karo.

War-saxaafadeedka ayaa lagu adkeeyay in bannaanbaxa uu noqon doono mid nabadeed, waxaana shacabka loogu baaqay inay ilaaliyaan amniga iyo xasilloonida inta ay socoto mudaharaadka.

Dhanka kale, hay’adaha amniga dowladda ayaa la filayaa inay adkeeyaan ammaanka magaalada Muqdisho, gaar ahaan goobaha la qorsheeyay in bannaanbaxyadu ka dhacaan, iyadoo saacadihii lasoo dhaafay magaalada laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo abaabulo la xiriira bannaanbaxa berri.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *