LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Taliyaha Ciidanka Uganda oo Amar Adag Dul Dhigay Ciidamada Ka Jooga Soomaaliya

Taliyaha ciidamada Uganda ee ka tirsan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Sareeye Guuto Jackson Kayanja, ayaa ku amray ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya inay adkeeyaan anshaxa, xirfadda iyo u hoggaansanaanta awaamiirta, xilli uu mugdi galay mustaqbalka maalgelinta hawlgalka.

Taliyaha ayaa hadalkan ka jeediyay xarunta Sector One ee Muqdisho, isagoo sheegay in anshaxu yahay tiirka ugu muhiimsan ee badbaadada askariga, guusha howlgalka iyo horumarka mustaqbalka ciidanka.

“Anshaxu waa furaha nolosheenna, guusheenna iyo horumarka shaqadeenna. Ka fogaada wax kasta oo dhaawacaya sumcaddiinna iyo qiyamkiinna,” ayuu yiri Brig. Gen. Kayanja.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in askari kasta oo Uganda ka socda uu matalayo dalkiisa, isla markaana hab-dhaqankiisu saameyn ku leeyahay sumcadda Uganda ee caalamka.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ilaalinta nidaamka, ixtiraamka silsiladda taliska iyo ku dhaqanka xeerarka dagaalka ay muhiim u yihiin guusha howlgalka, isla markaana ay sare u qaadaan kalsoonida kala dhexeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo shacabka.

Ku-xigeenka taliyaha ciidanka Uganda, Col. Jude Rukubya, ayaa isaguna ugu baaqay ciidamada inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada ammaanka Soomaaliya, isla markaana ay ixtiraamaan dhaqanka iyo hiddaha shacabka Soomaaliyeed.

Hadalladan ayaa imanaya iyadoo AUSSOM ay weli taageero siineyso ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay soo baxayaan warar sheegaya in Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta nidaamka saadka ee Qaramada Midoobay, taas oo saldhig u ah hawlgalka AUSSOM. Haddii arrintaasi hirgasho, waxay saameyn ku yeelan kartaa sii socoshada iyo awoodda howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *