LATEST NEWSLOCAL NEWS

Qarax ka dhacay degmada Diinsoor iyo Wararkii ugu danbeeyay

Wararka laga helayo degmada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa sheegaya in caawa qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ah lala beegsaday ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli ay ku jireen howlgal roondo amni lagu sugayay gudaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiin heer degmo iyo ilo deegaanka ah, qaraxa ayaa dhacay intii ay ciidamada ku guda jireen howlgal joogto ah oo lagu xaqiijinayay amniga degmada. Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin khasaaraha ka dhashay qaraxa lala eegtay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Degmada Diinsoor ayaa horey waxaa ugu soo noqnoqday weerarro ay ka mid yihiin qaraxyada waddooyinka lagu aaso iyo weerarro toos ah oo ay geystaan Al-Shabaab, kuwaas oo bartilmaameedsada ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyiinta amniga ayaan weli soo saarin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdadan, waxaana la filayaa in xog dheeraad ah la helo saacadaha soo socda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *