LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Mas’uuliyiin Caan Ah Oo Ku Biiray Ciidanka Laftagareen

Mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulkii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Koonfur Galbeed ayaa gaaray taliska ku-meel-gaarka ah ee Howlgalka Dib-u-xoreynta, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin uu hoggaaminayey Wasiirka Amniga maamulkii Laftagareen ee Xasan Cabdulqaadir.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Gaadiidka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Wasiiru-dowlihii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Guddoomiyaha Degmada Waajid.

Mas’uuliyiintan ayaa uga mahadceliyey taliska soo dhoweynta loo sameeyey, iyagoo bogaadiyey howlgalka dib-u-xoreynta ee ka socda deegaannada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Waxay sidoo kale muujiyeen inay garab taagan yihiin howlgalka, islamarkaana ay taageersan yihiin dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo dib-u-soo-celinta deegaannada.

Maamulkii hore ee Cabdicasiis Laftagareen ayaa weli wado dadaallo uu ku doonayo inuu dib ugu soo laabto Baydhabo. Ciidamada maamulkii hore ee Laftagareen ayaa ku sugan duleedka magaalada Baydhabo oo ay ku leeyihiin fariisimo iyagoo halkaas kasoo weerara magaalada Baydhabo.

Muddoyinkii u dambeeyay waxaa sii kordhayay shaqsiyaadka iyo mas’uuliyiinta ku biiraya ciidanka Laftagareen ee kusugan duleedka Baydhao iyagoo marar badan soo bandhigay masuuliyiin iyo Ciidamo kaga soo biiray dhanka maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *