Dowladda Soomaaliya oo wada-hadallo kula jirta Madaxweyne Qoor Qoor iyo xogo kasoo baxaya

Wada-hadallo u dhexeeya Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa lagu soo waramayaa inay marayaan heer wanaagsan, sida ay sheegeen xubno ka tirsan guddi dhawaan loo xil-saaray xal u helidda arrimaha taagan ee u dhexeeya labada dhinac.
Guddigan oo haatan ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa ka kooban afar xubnood oo kala ah Senator Dhegdheer, Senator Dhagey Sen, Cabdulxakiin iyo xildhibaan Ilyaas oo lagu sheegay inuu ku fadhiyo kursiga Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).
Xubnaha guddiga ayaa warbaahinta u sheegay in wada-hadalladu ay si wanaagsan u socdaan, islamarkaana rajo weyn laga qabo in dhowaan la gaaro is-afgarad buuxa oo ku saabsan arrimaha siyaasadeed ee ka taagan Galmudug.
Waxay tilmaameen in labada dhinac ay muujiyeen dabacsanaan siyaasadeed iyo tanaasul, si loo xasiliyo xaaladda siyaasadeed ee maamulka Galmudug loona xoojiyo wada-shaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kulamada socda ay diiradda saarayaan sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafaadka jira, iyadoo dhinacyadu ay ka wada hadlayaan arrimo ay kamid yihiin maamulka, amniga iyo wada-shaqeynta siyaasadeed.
Dhanka kale, ilo siyaasadeed ayaa sheegaya in xisbi siyaasadeedka JSP uu dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ka wado Galmudug, waxaana la sheegay in ganacsade Liibaan Shuluq uu door muuqda ku leeyahay abaabulka iyo taageerada howlaha xisbigaasi.
Liibaan Shuluq ayaa lagu tilmaamay shaqsi saameyn ku leh siyaasadda gudaha, islamarkaana door ka soo qaatay taageerada Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo howlgalladii lagu xoreynayay deegaannada ka tirsan Hirshabelle iyo Galmudug.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin natiijada kama dambaysta ah ee wada-hadalladan, inkastoo saadaasha siyaasadeed ay muujinayso in xal isu-soo dhowaansho leh la filan karo maalmaha soo socda.









