Soomaaliya Oo Hal Tallaabo U Jirta Inay Ogaato Hantideeda Shidaalka

Soomaaliya ayaa sii waddo wejiga ugu muhiimsan ee sahminta shidaalka badda, iyadoo howlaha qodista ceelka Curad-1 ay weli si rasmi ah u socdaan xeebaha dalka, waxaana mashruucan loo arkaa kii ugu horreeyay ee casri ah ee qodis shidaal oo badeed laga fuliyo Soomaaliya.
Ceelka Curad-1 ayaa waxaa qodaya shirkadda tamarta ee dowladda Turkiga, waxaana lagu baarayaa suurtagalnimada jiritaanka keyd shidaal iyo gaas oo ganacsi ahaan loo soo saari karo. Howlgalkan ayaa daba socda sahanno hore looga sameeyay aagga.
Ilaa hadda lama shaacin wax natiijo rasmi ah oo caddeyneysa in shidaal ganacsi ahaan loo helay. Khubaradu waxay xuseen in qodistu weli socoto, isla markaana dhammaan qiyaasaha ku saabsan baaxadda kaydka shidaalka ay yihiin saadaal ku saleysan xogta sahminta, balse aysan weli xaqiijin qodista inkastoo ay jirto rajo wanaagsan oo laga qabo helista shidaalka ku jira badda Soomaaliya ayay.
Haddii qodista Curad-1 lagu guuleysto, waxay noqon kartaa dhacdo taariikhi ah oo wax weyn ka beddeli karta dhaqaalaha Soomaaliya, isla markaana soo jiidan karta maalgashi caalami ah oo ku wajahan waaxda tamarta dalka Soomaaliya.









